Saamaynta dawooyinka la’isku caddeeyo ay ku leeyihiin ilmaha caloosha ku jira - BBC News Somali (2024)

Si loo Caddeeyo Maqaarka waa in la isticmaalaa daawooyinka halista ah ee la isku qurxiyo si loo yareeyo qadarka maaddada melanin-ka loo yaqaano, ama midabka, ee maqaarka si uu ugu muuqdo mid qafiif ahh.

Daawooyinka maqaarka lagu caddeeyo waxay inta badan ka kooban yihiin maaddooyin sun ah iyadoo marka la isticmaalo muddo dheer ay ka dhalan karaan khataro caafimaad oo aad u daran maadaama ay awood u leeyihiin inay waxyeello u geystaan maqaarkaaga waxayna keenaan xanuuno nafta halis gelinaya.

Saamaynta dawooyinka la’isku caddeeyo ay ku leeyihiin ilmaha caloosha ku jira - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hadaba saameyn intee le eg ayay hooyada uurka ah ku yeelan karaan waxyaabaha laisku qurxiyo?

Daraasado badan ayaa muujinaya in dumarka ay intooda badan isticmaalaan kiriimikada maqaarka iftiimiya ama cadeeyo xilliga uurka iyo kadibba si jirkooda uga saaraan haaraha madow.

Dumarka, gaar ahaan kuwa uurka leh iyo kuwa nuujinaya ee isticmaala daawooyinkan waxay halis ugu jiraan khatar caafimaad sababtoo ah mararka qaarkood waxaa suura gal ah in xiliga hore ee la bilaabayo isticmaalka daawooyinkan uusan qofka isku arkin wax calaamado ah balse qofka ay soo wajahdo caafimaad daro marka uu adeegsado muddo kooban kadib.

Haddaba si aan wax badan uga fahano waxaan arrimahan wax ka weydiinay Caasha Cumar Kablow oo ah dakhtarad arrimaha haweenka kutaqasustay kana howlgasho Magaalada Muqdisho.

Waxaan ugu horeyn weydiinay saameyn intee le'eg ayay dawoonka la isku cadeeyo ku yeelan karaan jirka biniaadamka? Waxayna ku jawaabtay

"maqaarka madoowga waxaa ku badan maado la yirahdo melanin oo u Allah noo sameeyay, marka kiriimyada ,cirbadaha ama kaniiyada loo isticmaalo is cadeynta waxay hor joogsanayaan in madadaasi uu jirka soo daayo tii kusameysneydna wuu burburinayaa, intaa waxaa sii dheer dawooyinkaan waxay baabi'nayaan unugyada maqaarka "ayay tidhi Drs Caasha.

Hoteelada Sucuudiga oo loo oggolaaday lamaanayaasha aan is qabin ee ajnibiga ah

Tallaalka Covid ma wuxuu sababaa caado wareer?Maxkamadda sare ee Talyaaniga oo taageertay in la caawiyo qofkii dhimasho doonaya

Drs Caasho oo hadalkeeda sii wadato ayaa waxay sheegtay in dumarka isticmaala dawooyinka maqaarka lagu caddeeyo ay inta badan ka baaba'aan wajiga, luggaha iyo gacmaha sababtoo ah dawooyinkan waxay dhilayaan dhamaan murqaha jirka.

Waxaan Caasha weydiinay saameyn ilmaha uurka ku jira ee dawooyinkan isticmaasho kujiro "Baaritaano badan ayaa kusocdo laakiin waxaa la ogaaday maadooyinka kujira dawooyinka la isku caddeeyo ay dhibaatooyin dhanka lixaad ilamaha yar ay ku keento ama uu curyaan noqdo iyo in maskaxda cunug yar ayay sidoo kale saameyn weyn soo gaareysaa"ayay ku jaawabtay Drs. Caasho.

Maxaa keena halista dawooyinka?

Dhanka kale Dr Barre Xuseen Jaamac oo ah daqtar guud joogana dalka Ingiriiska oon wax ka weydiinay sababaha keena waxyeelada dawooyinka la isku caddeeyo ayaa sheegay in dadku ay isticmaalaan dawooyinkan waqti dheer ayna u isticmaalaan si xad dhaaf ah taas oo keenta sida in dheecaano ka imaanaya ganacyada oo ay soo daayaan kelyaha iyo meelo kale oo jirka ka mid ah ay dawada la isticmaalayo joojiso

'' Marka ay dawadu raacdo wareegga dhiigga oo ay jirka oo dhan gaarto gudahana u dhacdo si joogto ah jirku ma aqbalaayo'' ayuu yiri Dhaqtarku.

Isagoo ka hadlayey sida dawooyinkaa is caddeynta ay dumarku marsadaan u waxyeeli karaan dumarka uurka leh iyo ilmaha uurkooda ku jira wuxuu sheegay in maqaarka hoostiisa ay ku jiraan waxyaabo la yiraahdo daldaloolo waxaana jirka ka so muuqada calaamado fara badan oo ay ku jiraan in borotiinada jirka aanay u shaqeyn sidii logu talagalay .

'' Mararka qaar waxaa la arkaa in dumarka isticmaala ay tuur ku yeeshaan dhabarka , gacmaha ka dhuudhuubtaan , baruur ku yeeshaan caloosa iyo bowdayaha sidoo kale dhiig kar ay yeeshaan iyo cudurka macaanka iyo hab dhismeedka jirka oo isbedela qalqalna uu galo '' ayuu yiri dhaqtarka ''

Dr Bashiir Jaamac waxaa uu sido kale sheegay waxyaabaha canuugga ku iman kara waxaa ka mid ah in culeyska canuggu yaraado, hormoonadiisu sida loogu talagalay aanay u shaqeynin , in koritaankiisii uu yaraado iyo waxyaabo badan oo macdano ah oo uu heli lahaa in aanu helin , maskax ahaana laga yaabo in saameyn ku yeelato ,taasna waxaa sababa wax kasta oo dhiigga hooyada dhex wareega waxay saameyn ku yeelanayaan canugga ku jira uurkeeda ".

Dr Bashiir ayaa ugu danbentii soo jeediyay in dumarka ay ka foogaadaan isticmaalka daawooyinka gaar ahaan xilliga ay uurka leedahay sidoo kale ay ay ka taxadaraan waxa ay isticmaalayaana, ogaadaana in waxa ay isticmaalayaaan xilliga uurka ay saaameynayaan ilmaha uurkeeda ku jira haddii ay tahay dawo ama wax kaleba, waayo ilmaha marka uu uurka ku jiro meel kale oo uu wax ka qaadanayo oo aan aheyn hooyada waxa caloosheeda gala ma jirto.

Saamaynta dawooyinka la’isku caddeeyo ay ku leeyihiin ilmaha caloosha ku jira - BBC News Somali (2)

Si kastaba ha ahaatee, khubarada caafimaadku waxa ay ka digayaan in maadooyinkaasi ay khatar aad u weyn geliyaan ilmaha uurka ku jira iyo kuwa naaska nuugyaba.

Daraasaduhu waxay muujiyeen in isticmaalka dawooyinka laisku caddeeyo xilliga uurka iyo dhalmada ka dib ay keeni karto dhaawac joogto ah oo ku yimaada neerfaha carruurta.

Intaa waxaa dheer, waxay sido kale sababi karaan dhalmo la'aan iyo in ay dhibaatooyin la kulanto xiliga dhalmada

Qaar ka mid ah daawooyinka la isku cadeeyo sida prednisolone waxay ku dhex darsamaan caanaha naaska iyo sido kale waxay sameeyn wey u geysanayaan ilmaha caloosha kujiro.Tani waxay sidoo kale kordhinaysaa in hooyada uu ku dhaco cudurka kansarka.

Saamaynta dawooyinka la’isku caddeeyo ay ku leeyihiin ilmaha caloosha ku jira - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Edmund Hettinger DC

Last Updated:

Views: 6317

Rating: 4.8 / 5 (78 voted)

Reviews: 93% of readers found this page helpful

Author information

Name: Edmund Hettinger DC

Birthday: 1994-08-17

Address: 2033 Gerhold Pine, Port Jocelyn, VA 12101-5654

Phone: +8524399971620

Job: Central Manufacturing Supervisor

Hobby: Jogging, Metalworking, Tai chi, Shopping, Puzzles, Rock climbing, Crocheting

Introduction: My name is Edmund Hettinger DC, I am a adventurous, colorful, gifted, determined, precious, open, colorful person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.